Maamulka puntland masuuliyiinka ka tirsan ayaa waxa ay sheegeen ijn howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen xaafadaha waqooyi ee magaalada gaalkacyo ay ku soo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii isticmaalayay
howlgaladaan ayaa waxa ay yimaadeen kadib markii laamaha amniga puntland ay heleen xog ku saabsan in magaalada lasoo galinayay waxyaabanaha maanka dooriya oo laga keenayo dhanka dalka itoobiya taasina ay keentay in xalay saqdhexe ciidanka puntland ay bilaabaan howlgalo lagu baacsanayo dad waxyaabahaasi magaalada soo galinaya
wararka ayaana sheegaya in howlgalada laga fuliyay gudaha magaalada lagu soo qabtay qamri xashiish iyo waxyaabakale oo maanka dooriya iyadoona la tilmaamay in aagaga hoteelada magaalada laga soo qabtay waxyaabahaani
saraakiisha ciidamada ee howlgaladaan waday ayaa sheegay in waxyaabahaan ay ka hor imaanayaan amniga islamarkaasna aysan aqbalayn in gudaha magaalada gaalkacyo lagu dhex isticmaalo
waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan ah oo looga hortagayo in magaalada lasoo galiyo waxyaabaha maanka dooriya
ugu dambeyn waxa ay saraakiishu sheegeen in dhawaan dadkaan iyo waxyaabaha lagu soo qabtayba warbaahinta losoo bandhigi doono

