Dagaal Xoogan Oo Maalintii Sadaxaad Ka Soconaya Deegaanada Buuraleeyda Gobolka Bari

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  howlgalo balaaran Ciidamada  maamulka puntland ay ka wadaan deegaano badan  oo  ka tirsan buuraleyda gobolka bari

Howlgaladaan ayaa waxa ay soo bilowdeen laba maalin ka hor waxaana uu u dhexeyaa ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka puntland iyo xubno ka tirsan kooxda daacish

Ciidamada maamulka puntland oo guulo ka sheegtay howlgalada soconaya ayaa waxa ay sheegeen  in ay qabsadeen deegaano0 fara badan

Howlgaladaan ayaa si gaar ah waxa ay ciidamada puntland kaga wadaan deegaanada kala ah Dhabancado, Hul-caanood iyo Togga Il-Cameyra oo dhamaantood ka tirsan buuraleyda gobolka bari

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulka  puntland oo howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaan ay qasaare xoogan iyo jab ku gaarsiiyeen kooxda daacish iyagoo tilmaamay in inta uu socday howlgalkaan oo khamiisti soo bilowday ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha daacish

Saraakiisha ciidamada puntland ayaa intaasi ku daray in howlgalkaan ay nolosha ku soo qabqabteen xubno ka tirsan daacish islamarkaasna ay hub iyo saanad ciidan ay ka qabsadeen kadib markii ay sheegeen in ay la wareegeen saldhigyo badan oo kooxda daacish ay ku lahaayeen deegaanada buuraleyda ah ee gobolkaasi bari

Howlgadaan ay wadaan ciidamada puntland ayaa maantay galay maalintii sadaxaad ,waxaana ay sheegeen in ay ku doonayaan in deegaanada buuraleeyda ay ka saaraan kooxda daacish oo inta badan ka dagaalanta halkaasi islamarkaasna dagaalkula jirta maamulka puntland iyo ciidamadadooda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here