Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiisiinta Gedo.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha dib u heshiisiinta Gobalka Gedo.
Raiisul wasaare rooble ayaa siyaasiyeen kala sheegkeystay qaabka doorahsadu ay kaga dhici karto garbahaarey doorashadaasi oo uu qabanayo mamaulka jubbaland oo uu hogaamiyo maxdaxweyne axmed madoobe
Raiisul wasaare rooble ayaa la tilmaamay in magaalada kismaayo uu inta uu ku suganyahay xariga ka jari doono mashruuc hormarineed oo laga fulinayo magalada kismaayo
Intaasi kadib raiisul wasaare rooble ayaa waxa la sheegay in uu safar ku tagayo magaalada garbahaareey ee xarunta gobolka gedo si uu kulamo xog wareysi halkaasi kula qaato mamaulka gobolka gedo iyo shacabka ku dhaqanba
Raiisul wasaare rooble ayaa wadada dadaaladii ugu dambeeyay oo uu ku doonayo hirgalinta doorashada iyo in waqtiga lagu heshiiyay aysan dib uga dhicin

