Puntland Oo Shaacisay in Uu ka Baxsaday Nin Toogasho Ku Xukunaa

0

maamulka puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay nin maxbuus ah oo ka baxsaday kaasi oo ku xukunaa dil toogasho ah

masuuliyiinta ciidanka asluubta puntland ayaa sheegeen in sababta nin uu u baxsaday ay aheyd in uu si aad ah u xanuunsaday islamarkaasna ay taasi keentay in isbitaal loo qaado balse halkii isbitaal lqa geyn lahaa ciidamada asluubta ay la garab mareen oo ay siidaan

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xersi Xarago ayaa waxa uu sheegay in talaabo ay ka qaadanayaan dhamaan ciidankii ninkaan maxbuus ka ah gacanta u galiyay koox maleeshiyaad ah oo la sheegay in ay ku heyb ahaayeen ninka maxbuus ka ah

afahyeenka ayaa intaasi ku daray in ninkaan maxbuuska ah ee baxasaday lagu magacaabo Axmed Cabdi Jaamac islamarkaasna uu ahaa maxabuus ku xirnaa xabsi weyn oo ku yaal magaalada qardho ee gobolka karkaar

waxaa uu xusay in ay wadadaan dadalo kala duwan oo ninkaasi ay gacanta ugu soo dhigayaan oo uu wado mamaulka puntland

wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka masuuliyiinta ugu sareysa ay wacad ku mareen in taliyaashii ku magacownaa xabsigaa dhamaantood xilalka laga qaadayo islmarkaasna wax laga weydiinayo qaabka fudud oo uu ku baxsaday  maxbuus ku xukunaa dil toogasho ah

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here