Ra’iisul wasaaraha xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed xuseen rooble ayaa waxa lagu wadaa in goordhow uu safar ugu ambabo magaalada kismaayo ee xarunta kumeel gaarka maamulka jubbaland
Raiisul Wasaraaha waxa uu halkaasi u tagayaan arimo badan oo ku saabsan doorashada kqa dhaceysa deegaanada jubbaland iyo xalinta caqabadaha ku hor gudban
raiisul wasaare rooble ayaa ilo ku dhaw waxa ay sheegeen in kulamo kala duwan uu la qaadan doono odayaasha dhanka reer jubbaland iyo masuuliyiinta hogaamisa oo uu ugu horeyo madaxweynaha mamulkaasi axmed maxamed islaam madoobe
waxaana la tilmaamay in uu ka lahadlayo si ugu haboon oo doorasho looga qaban karo magaalada garbahaareey ee xarunta gobolka gedo iyadoona ay xusid mudantahay in dadka reer gedo ay si aad ah uga soo horjeedaan hogaamiyaha maamulka jubbaland axmed madoobe
Raiisul wasaare rooble ayaa waxa uu wadaa dadaalo dhowr ah oo uu doonayo in uu ku hirgaliyo jadwalkii doorashada ee dhawaan kasoo baxay shirkii ay wada yeesheen madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada dalka
dhinaca kale isla maantay ayaa waxa lagu wadaa in magaalada kismaayo ay tagaan guddigii dhawaan uu magacaabay raiisul wasaare rooble kuwaasi oo loo xilsaaray arinta gobolka gedo iyadoona la sheegay in kulamo uu raiisul wasaare rooble uu kulan kula qaadanayo gudaha magaalada kismaayo
waxaana uu kala hadlayaa dardargalinta sidii xal loogu heli lahaa arinta gobolka gedo

