Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan dhaliyay oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe
Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii laba beeleed oo wada daga deegaan duleedka ka ah degmada jowhar uu soo kala dhexgalay mudran laxariira isqabqabsi dhul
Waxaana durbadii bilowday dagaal udhexeya labada maleeshiaya beeleed iyadoo dadka deegaanku ay kusoo waramayaan in dagaalkaan uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Dagaal beeleedkaan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay tuulooyin hoostaga magaalada jowhar gaar ahaana deegaanka maandheere
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacada simba u xaqiijiyay in dagaalka ay ku geeriyoodeen 4 qof tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen
Isagoo xusay in haatan dagaalku uu joogsaday balse labada maleeshiyo beeleed ay isku horfadhiyaan deegaanka lagu diriray
Dhinacakale Dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujinayaan labada maleeshiyo ee is horfadhiya waxaana ay sheegeen in ay ka baqdin qabaan in markale lagu duldagaalamo
Warar ayaa sheegaya in aysan jirin ilaa iyo haatan cid kala dhaxgashay labada maleeshiya beeleed balse ay odayaasha deegaanka qaar kood ay wadaan sidii dagaalkaan loo joojin lahaa
Inta badan deegaanada dhaca miyiga gobolka shabeelaha dhexe ayaa wax aka dhaca dagaalo udhexeya beelaha walaalaha ah ee wada deegaanadaasi kuwaasi oo isku heysta dhulal,aanooyin qabiil iyo ceelal biyood
Waxaana jirin wax talaabo adag ah oo uu qaaday maamulka hirshabeele iyo dowlada dhexe oo ku aadan dagaalada beelaha ee soo noqnoqda

