Dab Sababay Khasaaro Nafeed Oo Ka Kacay Hargeysa

0

Dab khasaare kala duwan geystay ayaa waxa uu xalay kakacay gudaha magaalada hargeysa ee casimada mamaulka soomaaliland

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dabkaan iyo wax sababay , iyagoona wararku ay sheegayaan in dabkaan uu ka dhahsay koronto

Si gaar ah dabka ayaa waxa uu ka kacay guri ku yaal bartamaha magaalada hargeysa waxaana ka dhashay qasaare kala duwan  oo  naf iyo maal baleh

Taliska ciidanka dabdamiska soomaaliland ayaaa faahfaahin ka bixiayay dabkaan baaxada uu lahaa iyo qasaaraha uu geeystay

Waxaana ay sheegeen in dabkaan uu ka kacay guri ay caruur yar yari ku sugnaayeen islamarkaasna waddooyinka oo cariiri ah ay sababtay in dabku uu khasaaro badan dhaliyo

Laba carrur ah ayuu talisku sheegay in ay ku geeriyoodeen dabkii xalay ka kacay hargeysa iyagoona fariin adag u diray dadka gaadiidka wadada iska dhiaganaya iyo dadka kale ee waddada iska dhisanayo

Waxaana talisku uu ku dhawaaqay in wax badan laga bartay dabkii xalay maamulkuna uu dib iskugu laabanay islamarkaasna ay isbadal cusub ku dhaqaaqi doonan

Taliska ciidanka soomaaliland ayaa dhankale dagniin adag u diray waalidiinta caruurtooda inta guriga kor uga xira ka taga

 

Inta badan deegaanada soomaaliland ayaa waxa ka kaca dab xoogan kaasi oo uu ka dhasho khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed

Waxaana la sheegay in sababta uu ubato qasaaraha dabkaasi ay tahay wadooyinka oo cariiri ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here