Dab khasaare kala duwan geystay ayaa waxa uu xalay kakacay gudaha magaalada hargeysa ee casimada mamaulka soomaaliland
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dabkaan iyo wax sababay , iyagoona wararku ay sheegayaan in dabkaan uu ka dhahsay koronto
Si gaar ah dabka ayaa waxa uu ka kacay guri ku yaal bartamaha magaalada hargeysa waxaana ka dhashay qasaare kala duwan oo naf iyo maal baleh
Taliska ciidanka dabdamiska soomaaliland ayaaa faahfaahin ka bixiayay dabkaan baaxada uu lahaa iyo qasaaraha uu geeystay
Waxaana ay sheegeen in dabkaan uu ka kacay guri ay caruur yar yari ku sugnaayeen islamarkaasna waddooyinka oo cariiri ah ay sababtay in dabku uu khasaaro badan dhaliyo
Laba carrur ah ayuu talisku sheegay in ay ku geeriyoodeen dabkii xalay ka kacay hargeysa iyagoona fariin adag u diray dadka gaadiidka wadada iska dhiaganaya iyo dadka kale ee waddada iska dhisanayo
Waxaana talisku uu ku dhawaaqay in wax badan laga bartay dabkii xalay maamulkuna uu dib iskugu laabanay islamarkaasna ay isbadal cusub ku dhaqaaqi doonan
Taliska ciidanka soomaaliland ayaa dhankale dagniin adag u diray waalidiinta caruurtooda inta guriga kor uga xira ka taga
Inta badan deegaanada soomaaliland ayaa waxa ka kaca dab xoogan kaasi oo uu ka dhasho khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed
Waxaana la sheegay in sababta uu ubato qasaaraha dabkaasi ay tahay wadooyinka oo cariiri ah

