Ciiddamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ayaa xalay degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka sameeyay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab
Waxaana saraakiisha ciidanka dowladdu sheegeen in howlgakaan ay ku dilay sarkaal katirsan al-shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Suubiye islamarkaasna ay sheegeen in uu ka mid ahaa saraakiisha sare ee dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo magaciisa afgarashadu ahaa (Toosoow).
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Howlgal qorsheysan lagu xubno badan oo ka tirsan al-shabaab
Howlgalkan ayaa Ciidamada ay ka fuliyay aagga Masaajid Cali Gaduud isla markaana waxa ay sheegeen in ciidanku ay ku guuleysteen hadafkii laga lahaa howlhaka.
Deegaanka Daarusalaam ayaa hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellah dhexe , Waxaana ay ciidamada ay inta badan guulo ka sheegteen howlgalo ay halkaasi ka fuliyeen

