Warar naga soo gaaraya gudaha suuqa bakaaraha ee muqdisho ayaa waxa ay kuoo waramayaan in daqiiqado ka hor ay rag bastoolado ku hubeysan isgooska suuqa bakaaha ku toogteen askari katirsan ciidamada dowladda
Si gaar ah askariga ayaa waxa uu ugu dhacay isgooska bakaaraha wadada aada dhinaca wadada dabka ee magaalada muqdisho
Dad goobjooga ayaa ah ayaa idaacada simba u xaqiijayay dilka askarigaan ,waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen
Waxaana ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa isku gadaamay goobta uu dilku ka dhacay ,waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano
Sidookale ayaa haatan la sheegay in ciidanku ay meydka goobta ka qaadaan oo ay geeyaan xarunta dambi barista ee CIda
Majirto cid ilaaliyo hada sheegatay masuuliyada dilkaan loogeystay askarigaan ka tirsaanaa ciidamada dowladda
Dhankale laamaha amiga dowladda wali war kama aysan soo saarin dilka askariaan ku labisnaa dareyska ciidanka dowladda

