Rag Hubeysan Oo Goordhow Dil Ka Geeystay Muqdisho

0

Warar naga soo gaaraya gudaha suuqa bakaaraha ee muqdisho ayaa waxa ay kuoo waramayaan in daqiiqado ka hor ay rag bastoolado ku hubeysan isgooska suuqa bakaaha ku toogteen askari katirsan ciidamada dowladda

Si gaar ah askariga ayaa waxa uu ugu dhacay isgooska bakaaraha wadada aada dhinaca wadada dabka ee magaalada muqdisho

Dad goobjooga ayaa ah ayaa idaacada simba u xaqiijayay dilka askarigaan ,waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen

Waxaana ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa isku gadaamay goobta uu dilku ka dhacay ,waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano

Sidookale ayaa haatan la sheegay  in ciidanku ay meydka goobta ka qaadaan oo ay geeyaan xarunta dambi barista ee CIda

Majirto cid ilaaliyo hada sheegatay masuuliyada dilkaan loogeystay askarigaan ka tirsaanaa ciidamada dowladda

Dhankale laamaha amiga dowladda wali war kama aysan soo saarin dilka askariaan ku labisnaa dareyska ciidanka dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here