Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cambaareeyay Qaraxii ka Dhacay Muqdisho

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee  ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii dagaalamayaasha Al-Shabaab galinkii dambe ee shalay  ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

waxaana xukuumadu ay sheegay in tani ay qasab ka dhigayso in ay kordhiyaan dagaalka ka dhanka alshabaab si looga hortago weerarada noocaani oo kala ah

al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo la beegsada goobaha ay kusuganyihiin ciidamada dowladda iyo halka ay ku tuhmayaan in ay ku sugan yihiin dad rayad ah oo ka tirsan shaqaalaha dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here