Jarmalka Oo Ciidamadiisa Kala Baxaya Afgaanistan

0

Dowladda Jarmarka ayaa sheegatay inay kala baxayso ciidmadeeda u joogay dalka Afgaanistan nabad ilaalinta muddo ku dhaw  20 sano.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Jarmarka ayaa lagu yiri “ waxaa Afgaanistan kasoo baxay qeybtii u danbeysay ciidmaddii Jarmarlka ee  ka qeyb qaadanaayay nabad ilaalinta.”

Ciidmada  Jarmarka ee nabad ilaalinta u joogay dalka Afghanistan ayaa gaarayay 1,100 asgari, waana waddanka labaad ee ciidamada ugu badan geeyay Afgaanistan.

Inta la og yahay 59 askari ayaa Jarmalka uga dhimatay  gudaha Afgaanistan muddadii ay u joogeen nabad ilaalinta.

Afgaanistan ayaa noqotay dalkii  ugu horreyay ee  ciidanka Jarmalka ku galaan dagaal dhulka ah kadib dagaalkii adduunka ee labaad.

Bartamihii  April, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhaawaaqay in ciidmada Afgaanistan ka jooga laga soo saari doono bisha September.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here