Jabhada Tigreyga Oo Ciidamada itoobiya Kala Wareegtay Magaalooyin Cusub

0
warar ka imaanaya gobolka tigreeyga ayaa waxa ay kusoo waramayaan in jahbahada TPLF ay Ciidamada itoobiya kala wareegeen marakale magaalooyin cusub islamrkaasna ay haatan wadan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo hanjabaad fariin ay ugu dirayaan raiisul wasaare abii ahmed
jabhada TPLF ayaa sheegtay in saakay ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada shire oo horay ay ugu sugnaayeen ciidamada ka amar qaata raiisul wasaaraha itoobiya ku sugnaayeen
Sida laga Soo Xigtay wakaaladda wararka ee Reuters Afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF) ayaa uu sheegay in magaalada shire ay haatan gacantooda ku jirto.
“Waa inaan hubinaa in cadowga uusan laheyn awood uu ku cabsi galiyo amniga dadkeena mar dambe,” ayuu yiri.
shalay ayay aheyd markii Ciidamada jabhada TPLF ay La Waregeen Magaalada Mukale iyo magaalooyinkale oo badan kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada itoobiya
waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonan dagaalka islamarkaasna ay haatan qorsheynayaan in ay weerar ku qaadaan gobolka amxaarada
xaalada gobolka tigreyga ayaa maantay aad u kacsan waxaana jirta abuubul xoogan oo ay wadaan ciidamada Jabhada TPLf iyadoona laga Cabsi qabo in dagaalo kala oo culus oo u dhexeya ay ka dhacaan gobolka tigreega
Qamada midoobe ayaa iyadu kulan degdeg ah oo looga arinsanayo arinta gobolka tigreyga yeelanaysa ,waxaana lafilaya in ay soo saaraan qodobo muhiim ah oo lagu joojinayo dagaalka gobolka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here