Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada amisom ay ku lahaayeen gobolka shabeelaha dhexe
weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid madafiic ah oo lagu weeraray saldhiyo ciidamada burundi ay ku lahyeen deegaanada dhaca koonfurta gobolka shabeelaha dhexe
al-shabaab warar ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhigyada ciidamada amisom gaar ahaana kuwa burundi kulahaayeen degmada Mahadaay iyo deegaanka Biya cadde oo hoostaga degmadaas.
waxaan ay sheegeen in khasaare xoogleh ay ciidamada amisom ku ngaarsiiyeen weerarkii madaafiicda ahaa ee saacadii lasoo xubno mka tirsan al-shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa burundi
warka kasoo baxay al-shabaab ayaa waxa lagu in sheegay in weerarkaan lagu dilay shan askari oo ka tirsanaa ciidamada burundi ah islamarkaasna ay tiro kalane ku dhaawaceen, Waxaana ay sheegeen in meydadka iyo dhaawacyada askartaas lagu daabulay diyaarado Elecobtar ah.

