Ciidamada difaaca maamulka puntland ayaa guulo ka sheegtay howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanada buuraleeyda gobolka bari
Howlgalkaan ayaa waxa la sheegay in ay fuliyeen Ciidamada PSF oo garabsanaya ciidamada kale oo ka tirsan Puntland iyadoona la sheegay in howlgalkaan ujeedkiisu ahaa in lahelay xog ku saabsan in xubno ka tirsan kooxda daacish ay ku suganyihiin deegaanada buuraleeyda gobolka bari
Saraakiisha ciidamada difaaca puntland ee howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in inta uu howlgalku socday ay ku dileen xubno ka tirsan Daacish oo sheegeen in qaraxyo iyo miinooyin dhigayeeen wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee hoostaga gobolka Bari,
Waxa ay intaasi ku dareen saraakiisha ciidanka puntland in xubnahan ka tirsan daacish oo ay ciidamada PSF dileen uu ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga kuwaas oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor,iyagoo sheegay in Maantay uu doonayey sidaas si la mid ah inuu duubo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Difaaca Puntland balse ay ka hortageen
Maamulka ma uusan sheegin tirade rasmiga ah oo ay howlgalkaan kooxda daacish kaga dileen balse waxa ay soo bandhigeen qaar ka mid ah sawirada meydadkii howlgalkaan lagu dilay
Ciidamada maamulka puntland ayaa inta badan howlgalo ka sameeyay deegaanada buuraleeyda ah gobolka bari halkaasi oo la sheego in ay ku suganyihiin xubno ka tirsan kooxda daacish oo dagaal kula jira maamulkaas puntland

