Taliska ciidamada booliska gobolka banaadir ayaa waxa ay warbaahinta usoo bandhigeen koox burcad ah iyo hub ay wateen islamarkaasna ay dhac ugu geysanjireen dadka shacabka ah xaafadaha degmooyinka gobolka banaadir
kooxdan burcada ah oo ay soo qabteen ciidamada booliska gobolka banaadir ayaa waxa la sheegay in dadka shacabka ah ka furan jireen mobilada iyo agabyada kale ee ay wataan
waxaana kooxdan lala soo bandhigay hubkii ay dhaca ku geeysanjireen sida midiyo ,qoryo,bastoolado
koodaan burcadaha ee lasoo bandhigay ayaa waxa ay ka koobnaayeen 18 rag ah kuwaasi oo qaar ku labisnaa dharka ciidanka
ku simaha afhayeenka ciidanka booliska caasimada ayaa waxaa uu sheegay in ragaan lasoo qabtay iyaga oo dhac u geeysanaya dadka shacabka islamarkaasna ay cadaalada horgaynayaan
waxaana uu sheegay in rag kale oo falkaan ku jira ay ku raad joogaan oo ay gacanta kusoo dhigidoonaan
sidookale taliyaha ayaa waxa uu fariin adag udiray dhalinyarada kale ee dhankooda ku howlan in ay dhaca ka geystaan xaafadaha 17 degmo ee gobolkaani banaadir isagoo sheegay in ay bka qaadi toonaan talaabo sharciga waafaqsan

