Akhriso:- War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Golaha Wada Tashiga Qaran

0

Golaha wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada.

JADWALKA DOORASHADDA

1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)

2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)

4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)

5. Doorashadda Xildhibaanada Doorashadda Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)

6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

– Goluhu oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

– Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here