Al-Shabaab Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Masuul Sare Oo Ka tirsan jubbaland

0
Warar aan ka helayno deegaano katirsan gobolka jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xubno katirsan ay weeraro ka fuliyeen deegaanka kudhaa oo duleedka ka ah magaalada kismaayo
al-shabaab oo masuuliyada weerarkaan sheegtay ayaa waxa ay sheegeen in weerar qorshaysan oo ay ka fuliyeen kudhaa ay kuqabsadeen  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka jubbaland
wararka al-shabaab ay ku baaahiyaan barahooda dhinaca interteetka ayaa waxa ay ku sheegteen in rag hubeysan oo ka tirsan udhaceen guri uu jaziiradda Kudhaa ka deganaagudoomiye ku xigeenkii deegaanka kudhaa ee maamulka jubbland
Al Shabaab ayaa magaca gudoomiyaha ay gacanta ku dhigeen ku sheegay  Cumar Cabdulle oo ku magac dheeraa Cumar afloow kaasi oo sheegeen in uu  ahaa guddoomiye ku xigeenka  deegaan xeebeedka ku dhaa Kudhaa.

Sidoo kale ayaa sheegay in isla weerarkaasi ay ku qabteen mas’uul kale oo katirsanaa mamaulka juubaland  oo lagu magacaabo  Max’med Cali Garaar ialamarkaasna ay sheegeen in in uu mamaulka jubbland u qaabilsanaa arrimaha ciidamada deegaanka  Kudhaa.

dhankooda maamulka jubbaland ayaa jawaabay sheegashada al-shabaab ee ku aadan in ay gacanta ku dhigeen masuuliyiin ka tirsan jubbaland
waxaana sarkaal ka tirsan maamulka uu sheegay in dadka alshabaab ay qabsadeen ay ahaayeen dad shacab ah
waxa uu xusay in deegeenka ku dhawaa ay al-shabaab ka kaxeysteen cumar cabdule oo ka mid ahaa dadka deegaan islamarkaasna la gowracay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here