Weerar Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay jubbada Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada afmadow ee gobolka jubbada hoose

Dagaalkaan ayaa waxa la sheehgay in uu ahaa mid culus oo muddo saacdo ah socday islamrkaasna udhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa mamaulka juubaland iyo dagaalamayaasha al-shabaab

Wararka ayaa xaqiijinaya in dagaalkaan uu bilowday kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab la tilmamay in weerar xooogan ay ku qaadeen saldhig ciidamada jubbaland ay ku lahyeen degmada afmadow ee gobolka jubbada hoose

Khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay in dagaalkaan uu ka dhashay

Waxaana wararku ay xaqiijinayaan in dagaalka lagu dilay hal askari oo la tirsanaa  ciidamada daraawiishta maamulka jubbland halka tiro intaasi ka badan oo ka tirsan ciidanka jubbaland dagaankaan lagu dhaawacay

dhankooda Maamulka Jubbaland saraakiil katirsan oo ka hadlay dagaalkaan ayaa wax ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii ay kusoo qaadeen xubno katirsan dagaalamayaasha al-shabaab

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada maamulka jubbland iyagoona guulo ka sheegtay weerardaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here