Maamulka Hirshabeele Oo Maantay Bilaabaya Qeybinta Gargaar La Gaarsiiyay Magaalada Jowhar

0

iyadoo deegaanada maamulka hirshabeele muddooyinkii dambe ay ka jireen culeysyo farabadan oo dhanka nolosha ah kuwaasi oo ay sababeen roobabkii bilaya dhigay iyo fatahada wabiga ayaa waxa la sheegay in maantay gurmad la gaarsiiyay uu mamaulku bilaabayo in uu qeybiyo

wasiirka wasaarada maamreynta musiibooyinka maamulka  hirshabeele oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in maantay in muddo ah kadib ay si rasmi ah u bilaabayaan bixinta gargaar lasoo gaarsiiyay dadka ay biyuhu go,odoomiyeen ee ku dhaqan deegaanada maamulkaasi hirshabeele

wasiirka ayaa waxa uu sheegay in muddo bil ku dhaw gargaarkaan qaar kiis lasoo gaarsiiyay oo ay waxkale kasugayeen wasaarada maareynta musiibooyinka xukuumada soomaaliya taasi oo uu sheegay in wax ay soo gaarsiisay islamarkaasna ay haatan usheegtay in waxkale oo gurnad ah oo dhanka hirshabeele ah aysan soo gaarin sidaasi darteena ay maantay bialaabayaan qeybinta raashinkii iyo gargaarkii lasoo gaarsiiyay

wasiirka maareynta musiibooyinka hirshabeele ayaa waxa uu sheegay in ay gurmadka ku bilaabi doonan dadka aad ka u dhugul islamarkaasna xaaladoodu ay liidato

deegaanada mamaulka hirshabeele ayaa waxa ka dhacay fatahaado aad u xoogan kuwaasi oo saameeyay dad iyo duunyaba ,waxaana fatahadaasi ay baabi,isay dalagyo ay beerteen dadka ku dhaqan deegaanada mamulka hirshabeele taasi oo sababtay in noloshu ay ku adkaato dadkaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here