Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan ciidamada dowladda oo mantay lagu dilay xaafad ka tirsan degmada yaaqshiid ee gobolkani banaadir
Rag bastoolada ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in gudaha degmada yaaqshiid ay ku toogteen askarigaan ka tirsanaa ciidamada dowladda
Wararku ay sheegayaan in askariga la dilay uu ka tirsanaa askarta mana shiibiyada ee lacahgaha canshuurta ah ka aruurya dadka shacabka ah waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen ragii dilkaasi geeystay
Al-shabaab ayaa masuuliyada sheegtay masuuliyada dilkaani iyagoo sheegay in rag ka tirsan ay xaafada juugnal ee degmada yaaqshiid ay ka fuliyeen dilka sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda
Waxaana ay sheegeen in Sarkaalka lagu dilay juungal lagu magacaabi jiray Cabdi salaan cabdi llaahi oo ku magac dheeraa maandhow
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay waxaana ay halkaasi ayka qaadeen meydka askariga la dilay
Sidookale waxa ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano iyo howlgalo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dalkaani
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay sii kordhiyeen dilalka qorsheysan ee saraakiisha iyo askarta dowlada federaalka kuwaasi oo laga fulinayay gudaha magaalada caasimadda ah ee muqdisho.

