Faahfaahino :- Qarax Khasaare Geeystay Oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Shabeelaha Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  qarax qasaare farabadan dhaliyay oo ka dhacay deegaanka duleedka ka ah degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose

Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda

Wararka helayno shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada lagu dilay weerarkaan qaraxa ahaa oo ka dhacay deegaanka mareerey ee dhaca duleedka degmada afgooye

Gudoomiyaha degeegaanka mareereey oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaraxa ka dhacay deegaankaasi marerey

Waxaana uu sheegay in qaraxaan uu jiro qasaare ka dhashay  islamarkaasna ay ku dhinteen 5 ruux isagoo sheegay in ay dadka ku dhintay qarax ay kala yihiin 4 qof oo shacab ah iyo 1 qof oo askari ah

Gudoomiyaha mareerey ayaa habacsananta amni ee ka jirta deegaanka waxa uu sheegay in masuuliyadeeda ay leeyihiin madaxda dowladda iyo maamul koonfur galbeed

Waxaana uu ka dalbaday in ay  ciidamo keenan deegaanka mareerey oo uu sheegay in falal amni xumo in inta badan ay ka dhacaan

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday deegaanka mareerey

Wararka Al-shabaab ay ku baahinyaan dhanaca interneetka waxaa ay ku sheegteen  in weerarka qaraxa lagu dilay 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka islamarkaasna ay ku  dhaawaceen 2 askari oo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here