Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Isbitaalada magaalada Muqdishu ku booqday Bukaanadii dhaawucu kasoo gaaray weerarkii xubno ka tirsan al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka kana tacsiyeeyay dhamaan intii ku dhimatay dagaalkii ka dhacay wisil
Raiisul wasaare rooble iyo madaxweyne qoor qoor ay warbixin ka dhageysteen qaar ka mid ah dadkii dhaawacayada ahaa iyagoona ka xaal wareystay waxa ay ku suganyihiin iyo in mar walba ay garabtaaganyihiim
Dhinaca kale madaxda ayaa bogaadisay shacabka iyo ciidamada qalabka kuwaasi oo dagaalka la galay al-shabaab
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u duceeyay bukaanada in Ilaahey caafimaad degdeg ah siiyo, ayagoona dhanka kale ballan qaaday in ay sii labalaabi doonan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha al-shabaaab kuwaasi oo weeraro inta badan ka fuliyaya deegaanada dhaca gobolka mudug
Dagaalkii ka dhacay deegaanka wisil ee dhaca waqooyi degmada hobyo ee gobolka mudug ay waxa ka dhashay qasaare farabadan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay ku dhawaad 25 ruux halka tiro intaasi ka badana la sheegay in ay ku dhaawacmeen

