warar aan ka helayno gobolka shabeelaha dhexe gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dagaal xoogan oo khasaare dhaliyay uu ku dhexmaray gobolka shabeelaha dhexe laba maleeshiya beeleed
dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii laba beelood ay isku qabsadeen dhul beereed miyi ah oo ku yaal tuulooyin hoostaga degmada raaga ceele ee gobolka shabeelaha dhexe
khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay raaga ceelle
qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacada simba u xaqiijiyay in dagaalka beeleedka ka dhacay shabeelaha dhexe ay ku dhinteen ilaa iyo 6 ruux tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalkaani
wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan joogsaday balse ay taagan tahay wali xiisad dagaal oo u dhexeysa labada beelood
mana jirt wali cid si rasmi ah ukala dhexgashay labadaani beelood oo dagaalkoodu marba marka kadambeeysa uu sii xoogaysanayao islamarkaasna ay isku ciidan iyo hub aruursanayaan

