Ciidamada Amaanka Gobolka Hiiraan Oo Dad Farabadan Usoo Qabtay Dilka Dhacay Baladweyne

0

Laamaha amniga Maamulka gobolka hiiraan  oo yeeshay shir kusaabsan amniga ayaa waxa looga hadlay arimo badan oo ku qotoma sugida amaanka deegaanada gobolka hiiraan iyo falal amniga lidi ku ah amniga oo ka dhacay magalada baladweyne

shirkaan ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii habeen ka hor gudaha magaalada baladweyne lagu dilay gudoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka hiiraan

ciidamada nabad sugida gobolka hiiraan ayaa waxa ay shirka kaga warbixiyeen dilkii gudoomiyaha iyo dad farabadan oo ay usoo qabteen islamarkaasna lagu tuhmayo in ay ku luglahaayeen dilkaaasi

waxaana ciidanka nabad sugidu ay sheegeen in 20 qof ay usoo qabteen dilka gudoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka hiiraan oo rag hubeysan ay ku dileen magaalada baladweyne

iyagoona tilmaamay in ay baaritaano kala soocid ah ay kusameeyn doonan dadkaasi islamarkaasna ay cadaalada hor geynayaan cid kasta oo ku lugleelata dilkaasi

sidookale gabgabada shirkaan ayaa waxa laisla qaatay in si aad ah loo adkeeyo amaanka deegaanada gobolka hiiraan islamarkaasna laga hortago falal amniga kasoo horjeeda

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here