Laamaha amniga Maamulka gobolka hiiraan oo yeeshay shir kusaabsan amniga ayaa waxa looga hadlay arimo badan oo ku qotoma sugida amaanka deegaanada gobolka hiiraan iyo falal amniga lidi ku ah amniga oo ka dhacay magalada baladweyne
shirkaan ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii habeen ka hor gudaha magaalada baladweyne lagu dilay gudoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka hiiraan
ciidamada nabad sugida gobolka hiiraan ayaa waxa ay shirka kaga warbixiyeen dilkii gudoomiyaha iyo dad farabadan oo ay usoo qabteen islamarkaasna lagu tuhmayo in ay ku luglahaayeen dilkaaasi
waxaana ciidanka nabad sugidu ay sheegeen in 20 qof ay usoo qabteen dilka gudoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka hiiraan oo rag hubeysan ay ku dileen magaalada baladweyne
iyagoona tilmaamay in ay baaritaano kala soocid ah ay kusameeyn doonan dadkaasi islamarkaasna ay cadaalada hor geynayaan cid kasta oo ku lugleelata dilkaasi
sidookale gabgabada shirkaan ayaa waxa laisla qaatay in si aad ah loo adkeeyo amaanka deegaanada gobolka hiiraan islamarkaasna laga hortago falal amniga kasoo horjeeda

