Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Barkoontarool Oo Ciidnka Dowladda Kulahaayeen Duleedka Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ku dhexmaray deegaan duleedka ka ah magaalada caasimada ah

Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan al-shabaab ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ciidamada dowladdu ku lahaayeen deegaanka caawa cabdi ,waxaana la sheegay in goobta la weeeraray ay aheyd meel laga ilaaliyo wadada xariirisa muqdisho iyo afgooye

khasaare ayaa la tilmaamay in uu jiro oo weerarkaan ka dhashay kaasi oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin

dowladda faderaalka soomaaliya oo war kooban kasoo saartay dagaalkii xalay ayaa waxa ay sheegtay in ay iska difaaceen weerarkii lagu soo qaaday islamarkaasna taabadalkeeda ay  khasaaro xoogleh  gaarsiiyeen xubnihii weerarka kusoo qaaday

Sidookale warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in weerarkii xalay ay ciidamada dowladda ku qabsadeen Gari NOHA iyo iyo Sedex ka mid ah ragii Weerarka Ku Qaaday Bar kantorol oo Laga Ilaaliyo Wadada Isku Xirta Mugdisho Iyo Afgooye

waxaana dowladdu ay intaasi ku dartay in warbaahinta ay lasoo wadaagi doonto xogo badan oo kusaabsan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka caawa cabdi ee duleedka magaalada muqdisho

majirto wax war ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha al-shabaab oo looga hadlayo weerarkii xalay iyo qasaaraha ka dhashay

wadada xariirisa muqdisho iyo afgooye ayaa dhawaan la dhameystiray dhismo casri ah oo la saaray ,waxaana jirta in dowladda ay ciidanka sida gaar ah u tababaran ee haramcad u xil saartay ilaalinta wadadaasi la dhisay

xalay ayayna aheyd markii barkoontarool oo ciidamada haramcad ka ilaalinayeen wadadadaasi la sheegay in xubno ka tirsan alshabaab ay weerar la beegsadeen

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here