Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ayaa waxa ay bilaabeen in ay iskaga baxaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobolada dalka iyagoona si rasmi ah uga wareejinaya ciidamada dowladda
Warkasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxa lagu sheegay in Ciidamada Amisom ee Ugandha ay si guul leh u xaqiijiyeen amaanka agagaarka saldhigga howlgalka ee Maryan Gubaay iyagoo ka adkaaday al-Shabaab waxayna hada ku wareejiyeen gacan ku haynta aaga ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.
Axadii, AMISOM Ugandha waxay qabatay munaasabad lagu xusayay ku wareejinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ( SNA) ee xarunta oo ay qeyb ka ahayd Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya.
Waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose, Cabdulqaadir Mirshid Siidii iyo gudoomiye ku xigeenka degmada Baraawe, Ibrahim Abdinoor.
Ku wareejinta ayaa muujineysa awooda sii kordheysa ee Ciidanka xooga dalka Somaaliya si ay u difaacdo saldhigyada horay looga sii wado isla markaana looga saaro meelaha muhiimka ah oo ay ku suganyihiin al-shabaab iyo dambiilayaasha. In kasta oo dacaayad ay jirto, Ciidanka Xooga Dalka iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si adag gacanta ugu hayaan Maryan Gubaay, waxayna sii wadaan inay ilaaliyaan amniga iyo xakameynta oo ay hayaan aagga ka xorta ah al-Shabaab.
AMISOM Uganda waxay hadda horay ugu socotaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab si ay gacan uga geysato si goobo kale loogu wareejin lahaa ciidamada dowladda , ayna taageerto Ciidanka Xooga Dalka Somaaliya (SNA) si loo ilaaliyo dadka Soomaaliyeed.

