Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ka sameeyeen degaano katirsan gobolka shabeelaha dhexe.
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa kahortaga weerarada Al-shabaab iyo burburinta meelaha ay kaga suganyihiin gobolka shabeelaha dhexe
Howlgalka oo ay fuliyeen Ururka 7-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa waxeey kasameeyeen degaano ay kamid yihiin , Sabuun, Baaroow Madiina cade , Gaaleef iyo Buurdhee, iyadoo ay qasaare kugaarsiiyeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab.
Kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa waxa ay shegeen inay burburiyeen goobo ay lahaayeen al-shabaab islamarkaasna ay howlgalka ku dileen 8-kamid ah xubno katirsan al-shabaab oo uu kujiray mid miino ku aasayay wadooyinka deganada howlgalka laga fuliyay .
Ku-simaha Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan “Xasan Tuure” oo lahadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka kumaandooska Xoogga Danab gaar ahaan Ururka 7-aad ay kuguuleeysteen inay kahortagaan damacii al-shabaab islamarkaasna ay kordhindoono howgalada kadhanka ah Dagaalamayaasha Al-shabaab.
