Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Markale Ku Shiraya Muqdisho

0

warar lagu kalsoonaankaro ayaa waxa ay xaqiijinayaan maalinta sabtida ah ee soo socota ee bilowga todobaadka  uu shir ku saabsan arimaha doorashooyinka  magaalada muqdisho ee caasimada dalka uga furmayo

kadib kulan qadka zoomka ay kuwada qaateen raiisul wasaare rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir ayaa waxaa la sheegay in laisku afgartay in markale 26 bishaan shir laiskugu yimaadaado si wax badan looga ogaado halka ay marayaan arimaha doorashoooyinka iyo sida ay wax usocdaan

warar kale ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid warbixin looga dhageysanayo guddiga doorashada ee uu magcaabay raiisul wasaare rooble islamrkaasna ay ka hadlayaan wixii ka qabsoomay heshiisyadii lagu gaaray muqdisho

sidookale wararka ayaa intaasi ku daraya in raiisul wasarae rooble uu shirkaan ku magacaabayo guddiga dib uheshiisiinta gobolka gedo oo heer dowlad goboleed ah islamrkaasna ka madaxbanan maamulka jubbaland

shirkaan la filayo in ay iskugu yimaadaan madaxda dowladda iyo dowladda xubnaha ka ah ayaa waxa uu imaanaya xili ay si dardarleh ku socdaan arimaha doorashada ka dhaceysa dalka oo uu horboodayo raiisul wasaare rooble

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here