Ciidamada Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigay Ruux Dil Ka Geeystay Muqdisho

0
Rag hubeysan ayaa xalay waxa ay gudaha degmada deyniile ku dileen gudoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada deyniile
Gudoomiyaha la dilay ayaa ahaa Gudoomiyihii Waaxda Kurdamac Cabdi Cabdulle Cismaan
intaasi kadib waxa la tilmaamay in goobta ay iskaga baxsadeen laba ka mid ah sadax nin oo dilka gudoomiha ka dambeeyay
Ciidamadda amaanka dowladda ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah sadex nin oo xaly degmada Dayniile gaar ahaan agagaarka Aargada ku dilay Gudoomiyihii Waaxda Kurdamac Cabdi Cabdulle Cismaan (Juge).
war qoraal ah oo kasoo baxay warbaahijnta dowladda ayaa waxa lagu sheegay in ninkan la qabtay uu isku dayay dilka kadib in uu baxsado balse ciidamada oo eryaday ay dhaawaceen ninkan hubeesan kadibna gacanta ku dhigay isaga oo watay biskooladii uu dilka ku geestay
Ciidamada Dowladda ayaana la sheegay in muddo kooban ay sii wadeen howlgalo iyo baaritaano ay ku baadigoobayaan ragii kale ee ka dambeeyay dilka gudoomiyaha waaxeedakaan ka tirsanaa mamaulka degmada deyniile balse laamaha amnigu masheegin cidkale oo ay howlgaladaas kusoo qabteen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here