warar naga soo gaaraya gobolka hiiraan ayaa waxa ay ksuoo waramayaan in xalay gudoomiye ka tirsan maamulka hirshabeele lagu dilay magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa waxa ay xalay baladweyne ku dileen gudoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka hiiraan faarax cabdi cali ,waxaana la sheegay in laba dhalinyaro ah oo lasocotayna la dhaawacay
qof goobjooge ah oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in rag hubeysan ay dileen gudoomiyaha islamarkaasna ay goobta iskaga baxsadeen
maamulka gobolka hiiraan ayaa ka taxsiyadeeyay dilka gudoomiyaha dhalinyarada gobolka hiiraan kaasi oo la sheegay in kooxo hubeysan oo aan heybtooda laga ranayn ay toogteen

