Ururka 7-aad ee Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Alshabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan dawlad goboleedka Hirshabeelle.
Goobaha Hawlgalkaan qorsheysan laga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah Mareerey, Sabuun, Baaroow Madiina cade, Gaaleef iyo Buurdhee, waxaana dhammaan deegaanadaan ay hoostagaan gobolka shabeelada dhexe.
Warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in Alshabaab howlgalkaan lagu gaarsiiyey Khasaare Xooggan, waxaana ururka 7-aad ee Kumaandooska Danab ay sheegeen in ay burburiyeen baro dagaalamayaasha al-shabaab deganaayeen oo ay si ay sheegeen ka soo abaabuli jireen weerarada ka dhanka ah ciidanka dowladda
Ku simaha taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan “Xasan Tuure” ayaa sheegay in ururka 7-aad ee Danab ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen howlgaladaan, isaggoo xusay in la joogteyn doono weerarada iyo hawlgalada Qorsheysan ee al-shabaab looga saarayo deegaanada dhaca gobolka shabeelaha dhexe
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa sidaan oo kale mudooyinkii dambe fuliyey hawlgalo badan oo ay sheegeen inay ku dileen saraakiil iyo xubno ka tirsan al-shabaab

