Madaxweynaha Hirshabeele Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Dowladda Uk Ee Soomaaliya

0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  kulan la qaatay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster.
Kulankaan ayaa looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka ilaalinta qoondada haweenka Amniga Bini’aadanimada iyo dhismaha gole yaasha deegaanka.
Madaxweynaha hirshabeele  ayaa dhankiisa safiirka kala hadlay qodob dhowr ah oo ay u baahinyihiin in dowladda ingiriisku ay ka caawiso maamulka hirshabeele
Waxaana uu la wadaagay baaxada dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiga shabeelle isagoo ugu baaqay in loo gurmado dadkii ka barakacay fatahaadihii ka dhacday Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa Dowladda Ingiriiska ka dalbaday taageerada tababarada ciidamada booliiska iyo Daraawiishta si ay ugu filnaadaan amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here