Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii lala beegsaday dhallinyaro Soomaaliyeed ee u soo istaagay difaaca dalkooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyaradan iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan , aysanna ka hor istaagi karin falalkaan ay soo maleegayaan hiigsigooda ciidan iyo xoreynta dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawga bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan qaraxa ahaa .

