Barlamaanka Puntland Oo Maanta Kulan Xasaasi ah Yeelanaya Iyo Mooshin Laga Waddo Xukuumada Madaxweyne Saciid Dani

0

waxaa maanta oo talaado ah lagu wadaa in si rasmi ah uu u furmo kalfadhi 48 ee barlamaanka puntland ,waxaana durbadiiba soo ifbaxaya hadal heyn badan oo ku saabsan kulanka maantay

wararka aan ka helayno kulan xildhibaanada barlamaanka maamulka puntland ee maantay ayaa waxa ay sheegeen in xildhibaandu ay laba dhinac u kala jabanyihiin islamarkaasna uu jiro mooshin ka dhan ka heshiis ay kala saxiixdeen shirka Dp World ee imaaraadka laga leeyahay iyo xukuumada uu hogaamiyo saciid dane ee maamulka puntland

xildhibaanada qaar ee mamaulka puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan u diyaargarowga mooshin ay kaga soo horjeedaan heshiis Shirkada Dp World heshiis kaas oo aan in muddo ah aan dhaqan galin

xildhibaanada mooshinka kawada heshiiska shirkada Dp World ayaa waxa ay sheegeen in heshiis kaan uu ahaa in muddo labo sano ah oo ka bilaabanaysa 6 april 2017 lagu dhaqan galiyo heshiiska balse muddo afar sano ah aysan waxba ka hirgalin heshiiskaas sidaas darteedna ay wadaan mooshin ay ku burburinayaan hesheeskaasi

Sidookale waxa jira xildhibaano kale oo ka tirsan mamaulka puntland kuwaasi oo iyaguna qaba in heshiiska Dp aan la Keenin Barlamaanka Oo looga dambeeyo xukuumada maadaama ay iyadu heshiiskaas wado

Heshiiska shirka dp world ayaa waxa si aad ah u diiday dowladda faderaalka soomaaliya gaar ahaana labada aqal ee barlamaanka kuwaasi oo si cad u sheegay in Shirkada Dp Aysan wax heshiis ah lagali karin maamulka puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here