Ciidamada Dowladda Faderaalka soomaaliya ayaa saacadiihii aanu kasoo gudubnay waxa ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Warkasoo Baxay Dowladda ayaa waxa lagu sheegay in howlgalkaan ujeedkiisu uu ahaa sidii dagaalamayaasha al-shabaab looga saarilahaa deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose oo ay inta badan ka fuliyaan weeraro ay la beegsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa midowga afrika ee amisom
Deegaanada ay ciidankadowladdu howlgalada ka fuliyeen waxaa ka mid ah Degaanada Macalinka, Sabriye ,Balod, Binaanka-Balow, moordiinle, iyo Ciise Lugoole, oo kala hoostaga degmooyinka awdheegle iyo afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.
waxaana hoggaminyay taliyaha ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka soomaaliyeed Cabdulaahi Mustaf Cali Madaale
Intii uu socday howlgalka ciidanka xogga dalka ayaa waxa ay shegeen in ay ku dileen 6 xubnood oo ka tirsan al-shabaab iyadoona ay intaasi ku dareen saraakiisha ciidanka dowladdu in in ka badan tiradaasi ay ku dhaawaceen howlagalka
Warkasoo baxay dowladda ayaa sidookale waxaa lagu sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee howgalka fuliyay in ay u suurta gashay in ay guri guri u baaraan xafadaha howlgaladu ay kadhaceen .
Sidookale waxa la tilmaamay in Howlgalkan uu ka qeyb ah kuwa ka socda guud ahaan dalka kasocda islamrkaasna ka dhanka ka ah al-shabaab

