Qarax Khasaare Geeystay Oo Goordhaw Ka Dhacay Iskuul Uu Ka Socday Imtixaanka Dowladda

0

Qarax Xoogan Oo Khasaare kale duwan geystay ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu daqiiqado ka hor uu ka ka dhacay degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe

warar aan ka helayno halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaan uu ahaa miino la dhigay afaafka hore ee goob uu ka socday imtixaanka shahaadiga ah fasalka sideed oo dowladdu ay qaadeyso

iyadoona la tilmaamay in qaraxaan uu khasaaro u geeystay ciidamo ka tirsan booliska soomaaliya oo ilaalinayay goobta  iskuulka ah oo uu qaraxu ka dhacay islamarkaasna uu imtixaanku ka socday

waxaana inta la xaqiijiyay la sheegay in qaraxaan uu ku dhaawacmay hal askari oo ka mid ahaa ciidamadii sugayay amaanka goobta uu qaraxu ka dhacay

ciidamo fara badan oo ka tirsan dwoladda ayaa gaaray iskuulka qaraxa kadib iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan oo ay ku raadinayaan ragii weerarkaasi qaraxo ah ka dambeeyay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here