Faahfaahino:- Weerar Lagu Dilay Askar Kenyaati Ah Oo Ka Dhacay Gobolka Waqooyi Bari

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan oo  lagu qaaday fariisimo  ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku lahaayeen  deegaan duleedka ka ah magaalada mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya

Weerarkaan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa la sheegay in ay qaadeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

Waxaana ay guulo ka sheegteen weerarkaan al-shabaab iyagoo sheegay in  khasaaro xogleh ay  ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Kenya

Wararka ay al-shabaab ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in  weerar culus ku qaadeen deegaanno  ay ku sugnaayeen ciidamo boolis Kenyaan ah.

Waxaana ay intaas ku dareen in dagaalamayaal ka tirsan  Al Shabaab ay weerareen deegaannada Oola iyo Sarmaan oo hoos yimaad degmada Raamu ee Mandheera.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaan al-shabaab waxa ay ku sheegeen in ay ku dileen  illaa 3 askari Kenyaati ah islamarkaana kaga soo furteen 5 qori.

illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Kenya oo ku saabsan weeraradan cusub ee ka dhacay gobolka  waqooyi Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here