Hoggaamiyihii kooxda ee Booko xaaram Abuubakar Shekau, ayaa is dilay sida lagu sheegay cajalad cod ah oo ay baahisay kooxda la baxday Dawladda islaamka ee galbeedka Afrika.
Abuubakar Shekau ayaa sida la sheegay geeriyooday ka dib dagaal adag oo dhex maray labadda kooxood iyadoo kooxdiisu jab kala kulantay dagaalka,hoggaamiyaha Booko Xaaram ayaa isku dilay qarax uu isku xidhay.
Dowladda Nigeria iyo kooxda Boko Xaram wali midna ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.

