Khasaaro Ka Dhashay Dagaal U Dhexeeya Laba Maleeshiyo Beeleed Oo Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

0

Wararka aan ka helayno gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dagaal u dhexeya labada maleeshiya beeleed uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobolkaasi

Dagaalkaan oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay laba beelood oo walallo ah oo wada dagan deeegaanka baxdo ee gobolka galgaduud

Waxaana dadka deegaanku ay kusoo waramayaan in dagaalkaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay

Inta la xaqiijiyay dagaalkaan laba ruux ayaa ku geeriyootay halka sadax kalana ay ku dhaawacmeen

Waxaana la sheegay in haatan ay socdaan wan wan lagu xalinayo dagaalka labada beelood

Iyadoona qeybaha kala duwan ee bulshada iyo wax garadkuba la sheegay in ay ku bexeen joojinta dagaal beeleedka ka bilowday deegaanka baxdo

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka galmudug oo lagu faahfaahginayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi

Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 21 aad ayaa la filayaa in ay kala dhexgalaan dagaalka labada beelood oo la sheegay in xiisada ka dhalatay ay wali ka taagan tahay deegaankii lagu dagaalamay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here