Kulanka Looga Hadlayay Arimaha Doorashooyinka iyo Xaalada Guud Ee Dalka Oo Muqdisho Ka Dhacay

0

Xubnaha midowga musharaxiinta ayaa waxa ay xalay kulan xasaasi ah oo ay uga hadlayeen siyaasada dalka waxa ay  ku yeesheen magaalada muqdisho ee caasimada dalka

Kulankaan  ayaa waxa la sheegay uu ahaa mid isxo wareysi ah ,waxaana ka qeyb galay intooda badan xubnaha midowga musharaxiinta oo ay ugu horeyaan madaxweynayaashi hore ee dalka xasan sheikh maxamuud iyo sheikh shariif sheikh axmed

Masuuliyiinta ayaa waxa ay marka hore  iska xog wareysteen  marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda Dalka iyo Arimaha Doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan.

Kulanka waxa shir gudoominyay madaxweynihii hore ee dalka ahna hogaamiyaha midowga musharaxiinta sheikh shariif sheikh axmed

Waxaana la tilmaamay inta uu kulanku socday la kala qaaday talooyin kala duwan islamarkaasna waxa laiska weydiiyay wax aka dhaqan galay heshiis yadii dhawaan la gaaray

Sidookale kulanka oo xubnaha midowga musharaxiintu ay iskugu yimaadeen ayaa waxa ay iskaga wareysteen caqabadaha jira iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa dad lagu bixinayo in dalku uu ka baxo marxalada kala guurka ah islamarkaasna lagu gaari lahaa doorasho wada ogol ah

Kulankaan ay yeesheen midowga musharaxiinta ayaa waxaa uu kusoo aadaya xili dalku uu haatan ku jiro waqti kala guur ah oo doorasho laisku diyaarinayo qabanqaabadeeduna ay socoto

Xubnaha midowgu ay balan qaadeen kadib heshiiskii dhawaan lagu gaaray muqdisho in aysan joojin doonin dadaalka ay ku bixinayaan in dalku uu doorasho aado

Waxaana mudooyinkii dambe ay wadeen kulamo kala duwan oo ay ku doonayaan in dalka ay doorasho ka hir gasho iyadoo ay xusid mudatahay in xubnaha midowga musharaxiintu ay dhawaan ka qeyb qaateen heshiis laga gaaray arimiihii cakirnaa ee doorashooyinka dalka kuwaasi oo is afgaray lag gaaray ay kala saxiixdeen madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here