warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaan ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe
Werrarkaan oo khasaare kala duwan uu ka dhalishay ayaa waxaa saacadiihii lasoo dhaafay uu ka dhacay deegaanka warciise ee hoostaga degmada raage ceelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe
Waxaana Weerarkaan uu yimid kadib markii la sheegay in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay tiro madaafiic ah ku tuureen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka warciise
al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday ciidamada dowladda waxaana ay sheegeen in khsaare ay ku gaarsiiyeen
al-shabaab warar ay ku baahinyaan dhinaca barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in madaafiic dhowr ah ay ku garaaceen saldhiga ciidanka dowladda islamarkaasna ay ku dileen askar farabadan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda
khasaaraha ka dhashay weerarkaan madaafiicda ah al-shabaab,waxa ay ku sheegeen in ay ku dileen afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda
al-shabaab ayaa intaasi ku daray in deegaanka warciise oo ay madaafiicada ku weerareen uu ku sugnaa taliyaha ciidanka xooga dalka odawaa yuusuf raage islamarkaasna ay doonayeen in ay weerarkaasi ku qaarajiyaan
al-shabaab iyo ciidamada dowladda dagaalo u dhexeya ayaa mudooyinkii dambe kasoconayay deegaano dhaca gobolka shabeelaha dhexe ,waxaana xusid mudan in al-shabaab iyo dowladdu ay guulo dhowr a guulo kala sheegtaan dagaaladaasi

