Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay qarax miino kaasi oo ay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateyo ciidamada iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Kismaayo, gaar ahaan xaafadda Farjanno Waaxda Kuuba, halkaasi oo la tilmamay in ciidanka ku soo qabteen miinadan.
Ciidamada maamulka jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in fashilinta miinadaan ay garab ku siiyeen shacabka magaalada Kismaayo
waxaan ay sheegeen in ciidanku ay ku guuleystay in ay ka hor tagaan qaraxaan oo ay sheegeen in ay maleegayeen xubno ka tirsan dagaalamayaash al-shabaab.
ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada daraawiishta jubbaland ay sheegaan in ay fashiliyeen qarax
waxaana xusid mudan in 12-ka bishii May isla sanadkan ayay ciidanka jubbaland fashiliyeen Miino ay xubno ka tirsan al-shabaab ku xireen gaari uu lahaa mid ka mid ah muwaadiniinta ku nool Kismaayo.
Ma jirto cid loo soo qabtay falka miinada lagu fashiliyay, waxaana ay ciidamada wadaan howlgallo lagu xoojinayo Nabadgelyada.

