Weerar Khasaare Dhaliyay Oo Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Lagu Eegtay Jubbada Hoose

0

Wararka aan ka helayno Gobolka Jubbada Hoose  ayaa waxa ay kusoo waramayaan in weerar khasaare kala duwan geystay ciidamo ka tirsan dowladda lagu la eegtay  deegaan hoostaga  gobolka jubbada hoose

Weerararkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar la beegsadeen gaari ay wateen ciidamo ka tirsanaa dowladda xilli ay marayeen deegaanka labi kuus ee dhaca duleedka magaalada kismaayo

Waxaana lagu soo waramayaa in khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkaani

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka ciidamada dowladda lagu beegsaday duleedka magaalada kismaayo

Waxaa ay sheegeen in qasaare xoogleh ay ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda

Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca baraha ay ky leeyihiin interneetka waxa ay ku sheegteen in weerar dhabagal ah ay ku qaadeen ciidanka dowladda askar badana ay uga dileen halkaasi

Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarka  lagu dilay labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here