Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Golaha wakiillada maamulkaas,oo maanta loo dareeray.
Raisulwasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo kasoo jeeda Somaliland ayaa bogaadiyay doorashooyinka maanta ka bilaabanaya Somaliland.
Waxa uu sheegay in Shacabka Gobolada woqooyi ee Maamulka Somaliland ay qaadeen talaabo loo baahan yahay in kaga daydaan Shacabka koonfurta Soomaaliya daga.
“Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31 May shacab weynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimada ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,walaalaha Koofureed waxaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah oo xalaasha ah oo qofka muwaadinka ah codkiisa u dhiiban karayo”ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay ilaashadaan nabadooda iyo horumarkooda,islamarkaana aysan dhibaato dhicin inta ay doorashadda socoto.

