xubnaha midowga musharaxiinta ayaa maantay waxa lagu wadaa in raiisul wasaaraha xilgaarsiinta maxamed xuseen rooble ay u gudbiyaan liiska xubnaha cabasharada laga muujiiyay ee guddiga lagu muransanyahay ee arimaha doorashooyinka heer faderaal iyo heer dowlad goboleed
mmidiwga musharaxiinta ayaa horay usameeyay guddiga dhankooda oo loo xil saaray baaritaan iyo ka turxaan bixinta guddiga lagu muransayahay ee doorashooyinka kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku jiraan xubno ka tirsan ha,ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee nisa iyo shaqaale ka tirsan dowladda
guddiga mushraxiintu ay u direen in baaritaanka ay sameeyaan oo magaalada muqdisho ku shiray ayaa waxa ay soo saareen magacyada xubno cabshada laga keenay oo ku jira guddiga lagu muransayahay
waxaana ay sheegeen in tirada magacyadaan oo baahanayahay in laga saaro guddiga islamarkaasna ay baaritaano dheeriya ku sameeynayaan kadibna ay mudowga musharaxiinta u gudbinatyaan
midowga mushraxiinta marka loo gudbiyo ayaa waxa ay iyaguna ku wareejin doonan guddiga heer wasiir ee uu dhawaan magacaabay raiisul wasaare rooble guddigaasi oo shaqadiisu tahay soo cadeynta xubnaha cabshada laga keenay
waxaana iyagu ay lasii wadaagi doonan raiisul wasaaraha maraka ay kasoo tala bixiyaan arintaasi
arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili dhawaan heshiis laga gaaray arimaha doorashooyinika islamarkaasna laisku raacay in muddo laba bilod ah lagu qabto doorasho wadda ogol ah
raisul wasaare rooble ayaana haatan mariya tijaabooyin adag oo ay qasabtahay in uu ka gudbo caqabadkasta oo soo wajahda si uu guul uga gaaro arimaha loo igmaday ee doorashooyinka iyo qabashadeeda

