Deegaanadda maamulka Somaliland waxaa maanta oo isniin ah ka bilaabanaya doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Golaha wakiillada maamulkaas.
In ka badan 1-million oo ruux ayaa ka qeyb qaadanaya doorashadda Maamulka Somaliland sida ay sheegeen guddiga doorashadda Soomaliland,waxaana doorashadda ay ka dhacaysaa 2,709-goobood oo Somaliland.
Doorashadda maanta bilaabanaysa ayaa loo adeegsanayaa qalab teknolojiyad ah kaas oo sawir ka qaadaya isha qofka codeynaya, si aan kaarka loo been abuurin.
Doorashadii 2017-kii ayay aheyd markii doorashada loo isticmaalay isla qalabkan.
Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay in qalabkaas casriga ah ay uga hortagayaan wax isdabamarin iyo in qof uu ku codeeyo kaar uusan lahayn.
Waxaa Somaliland ku sugan kormeerayaal ka socda dalalka gobolka xilli saakay ay doorashada goleyaasha iyo golaha wakiilada ay dhacayso.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay doorashadda ayaa sheegay in cidwalba ay ka soo baxday mas’uuliyaddii ka saarneyd doorashada, halka uu tilmaamay in madax badan oo dalal iyo ururro ka kala socda ay soo gaareen Somaliland si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.
Ololaha doorashada golayaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ayaa si rasmi ah uga bilaabmay dhawaan guud ahaan Somaliland.
Saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa midba maalin loo asteeyay si uu ololihiisa u qabsado.
Xisbiyada ayaa soo bandhigay taageerada ay ku leeyihiin shacabka dhexdiisa, waxaana sidoo kale soo shaac baxay astaamo qaarkood ay cajiib yihiin.

