Maxa Kasoo Baxay Kulankii Midowga Musharaxiinta iyo Maamul Goboleedyada

0

 

Xubnaha midowga musharaxiinta ayaa waxa ay xalay kulan casho sharaf ah u sameeyeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada kuwaasi oo muqdisho ku sugnaa mudooyinkii dambe

Musharaxiinta ayaa waxa ay ka codsadeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in la dhaqangaliyo heshiisyadii laga gaaray arimaha doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee dalka sheikh shariif sheikh axmed ahna gudoomiyaha midowga musharaxiinta oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in madaxweynayaasha dowlad goboleeydaydu ay kaalin weyn ka qaateen heshiisyadii arimaha doorashooytinka
Madaxweyne sheikh shariif ayaa waxa uu tilmaamay in qalalaasi horleh oo uu dalku gali lahaa ay ka badbaadiyeen hogaamiyaasha maamul goboleedyadu

Dhinaca kale waxa uu madaxweynayaasha maamulada puntland , jubbaland , galmudug , Hirshabeele iyo Koonfur galbeed uga mahadceliyay si ay uga qeb qaateen heeshiiyadii laga gaaray arimaha doorashada

Sidookale madaxweyne sheikh shariif ayaa soo hadal qaaday doorkii xilkasnimada ahaa ee uu raiisul maxamed xuseen rooble muujiyay isaga oo sheegay in wax wanaagsan oo taariiqda galaya ay noqondoonan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here